Animation

Dhagayso:- Gudoomiyaha Gobalka Nugaal” Wax shiraar ah Amar la”antay Garowe Kama dhici karaan”

no responses
Saturday November 14, 2015 - 11:01 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault
Spread the love

Maamulka gobolka Nugaal ayaa maanta Awaamiir cul culus ka soo saaray shirar aan la ogeyn oo lagu qabto magaalada Garoowe caasimadda Puntland kuwaas oo siyaasadeysan loogana hadlayo arimo ka baxsan puntland sida Hiigsiga 2016 iyo doorashada xigta ee dalka ka dhici doonta.

Cumar C/laahi Faraweyne oo la hadlayay saxaafadda ayaa sheegay in aysan maamulkiisu ogolaandoonin shirarka gaar gaar oo looga hadlo doorashada xigta ee Soomaaliya kuwas oo ka dhaca magaalada Garoowe, isagoo u sheegay bulshada in Puntland ay ka hadashay masiirkeeda heshiisyana kala sixiixatay dowladda federaalka.

“Waxaan u sheegeynaa kuwa ku howlan shirarkaas sharci darada ah ee aan cidna masuul ka aheyn, oo danaha gaarka ah wata, aheynna dadka go’aan gaarayaasha ah waa iyaga dadkaan la hadleynaa”

Waxa uu sheegay sidoo kale in dadka ku howlan shirarkaas ay talaabo sharci ah ka qaadi doonaan islamarkaana ay ka maamul ahaan ugu baaqayaan in ay ka waantoobaan kana feejignaadaan bulshada.

Gaba gabadii waxa uu ugu baaqay mulkiilayaasha hoteelada iyo hoolalka shirarka ee lagu qabto kulamada ceynkaas ah in ay ka feejignaadaan islamarkaana iska diidaan uuna u sheegayo in guud ahaan aan shirkaas lagu qaban karin gobolka nugaal.

Hoos kadhagayso codka

Facebook Comments