Animation

Dhagayso:- Gudoomiyaha Cusubee Dalada Qurba Joogta Puntland ee Qarada Yurub oo ka hadlay Qaabkii loo doortay

no responses
Monday September 28, 2015 - 11:42 under Breaking News by admin
mqdefault

Shirweynihii uga socday Dalka Finland Qurba Joogta Puntland ee Qaarada Yurub ayaa ugu dambeyn lagu doortay Gudoomiyaha Dalada Midowga qurba joogta Yurub ee Puntland kasoo jeeda.

Gudoomiyaha Guud ee Dalada Qurbajoogta Puntland ee Qaarada Yurub, waxaana loo doortay Maxamed Cabdulle Moosil oo ahaa Gudoomiyaha Jaaliyada Puntland ee Dalka Irland,kaas oo ah aqoonyahan wax u qaban kara dadkii maanta doortay.

Gudoomiyaha oo Waraysi siyeey k24 ayaa sheegay inuu ku faraxsanyahay in loo diirto Xilkan,isla markaana uu u mahadcelinyo dhamaan intii dooratay waxaa kale uu sheegay in wali lagu jiro soo dhaweyntiisa.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in Muhiimada tahay in laga shaqeeyo midnimada Umadda Reer Puntland iyo waliba qurba joogta Puntland,taas oo uu sheegay inay muhiim tahay.

Fariin ayuu u diray dhalinyarada Reer Puntland ee ku dhamaanaya Tahriibka isagoo ugu baaqay dalkooda inay kashaqeystaan,wuxuna sheegay inuu uga bahanyahay bulshada Puntland ee Dalka jooga wada shaqeyn.

Qurba joogta Puntland ee Qaarada Yurub ,isla markaana uu gudoomiyaha u yahay ayuu sheegay in looga bahanyahay inay midnimada kashaqeyaan taas oo uu sheegay inay tahay mid wanaagsan.

Hoos kadhagayso Wariyaha Puntland ee Kismaayo24 Maxamed Laki Man ayuu u Waramay