Animation

Dhagayso:- Fah Fahin Dooni u rarnayd Gacansato reer Puntland ah oo ku Degtay Meel u dhexaysa Yeman iyo Cumaan

no responses
Thursday November 12, 2015 - 1:00 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault
Spread the love

Waxaa Degtay Doon u rarnayd Ganacsato reer Puntland, Taas oo Ku Degtay badda u dhaxaysa dalalka Yaman iyo Cumaan, iyadoo u soo markii hore usoo shiraacatay Dekeda Magaalada Bosaaso ee Puntland.

Wasiirka Wasaaradda Dekedaha,Gaadiidka badda iyo La-dagaalanka Burcadbadeeda Cabdullaahi Jaamac Salaax ayaa sheegay in Doonida oo lagu magacaabo Al-Akbari ay waday Maciishada noocayadeeda kala duwan.

Sidoo Kale, Wasiirka ayaa sheegay in dhaqdhaqaada Ganacsi ee Dekeda Boosaaso uu si habsami leh u socdo,isla markaana ay jiraan Doonyo iyo Maraakiib Ganacsi oo si isdaba joog ah u imanaya Dekeda,halka kuwo kalena ay ka dhoofayaan.

Wasaarada Ayaa dhamaan Hakisay Doonyihii usoo bixi lahaa Dekada bosaaso iyo kuwii ka bixi lahaa, sababo khatar looga baqayo inay ku timaado bada oo kacsan.

Hoos kadhagayso Wasiirka oo Arimahaas Fah faahinaya

Facebook Comments