Animation

Dhagayso:- Dab khasaare Geeystay oo Xalay ka kacay Boosaaso

no responses
Monday November 30, 2015 - 11:04 under Somali News by admin
mqdefault

Goobo ganacsi oo ku yaala magaalada Boosaaso ayaa xalay dab qabsaday ka dib markii saddex meheradood oo mid ay kaalin shidaal tahay uu halmar qabasday dab xoogan.

Goobta waxaa soo gaaray maamulka dowladda hoose Boosaaso, Gadiidka Dab damiska oo iskugu jiray kuwa dowladda iyo kuwo ay leeyihiin Ganacsato ugu dambayntiina waxay ku guuleysteen in ay damiyaan dabka oo aan faafin.

Gudoomiyaha Boosaaso Yaasiin Mire Maxamuud ayaa sheegay in durba lagu soo wargeliyey markii uu dabka qabsaday goobahan, Wuxuu sheegay in uu xiriir la sameeyey Gaadiidka Dab damiska oo ay ugu horeeyeen Golis iyo dowladda Hoose.

Yaasiin wuxuu sheegay in ay ganacsata farayaan in ay goobahooda ganacsi dhigtaan qalabka dabka ka hortaga ee sida fudud uga hortaga in uu faafo, Wuxuu shegay in ganaax ay la kulmi doonaan ganacsatadii aan fulin awaamiirna ay ka soo saari doonaan.