Animation

Dhagayso:- Codadka Madaxweynayasha Puntland iyo Gal-Mudug Heshiiska Kadib

no responses
Wednesday December 2, 2015 - 12:31 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Madaxwaynayaasha Puntland Cabdiweli Cali Gaas, Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa ka hadlay heshiiska maanta ka gaareen xiisadii ka taagnayd magalada Gaalkacyo.

Prof,Cabdiweli Cali Gaas oo hadalka ku horeeyay ayaa sheegay inay muhiim tahay nabadda in laga wada shaqeeyo balse waxa uu si cad u sheegay in dagaalku uu ka bilowday waddo Puntland ka dhisanaysey xaafada Garsoor ee dhanka waqooyi, wuxuna sheegay guddiga lagu dhawaaqay ee wada xaajoodka in looga fadhiyo inay sumad u yeelaan arrinta lana baara runta.

Madaxwaynaha Puntland waxa uu sheegay inay mar kasta u taagan yihiin ilaalinta nabadda iyo wada shaqaynta, dhanka kale Gal-Mudug ayuu sheegay in looga baahan yahay inay masuuliyadda ku waajibtay dhankeeda ka qaado.

Docda kale madaxwaynaha Gal-Mudug Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa soo dhaweeyay heshiiska afarka qodob ka kooban ee la wada gaaray, waxa uu sheegay inuu sidoo kale ka xun yahay dagaalka Galkacyo ka dhacay iyo qoysaskii ka barakacay.