Animation

Dhagayso:- Ciidanka Jubbaland iyo Alshabaab oo ku dagaalamay Gobolka Jubada Hoose

no responses
Saturday November 14, 2015 - 11:05 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault
Spread the love

Ciidamada Dowlad goboleedka Jubbaland iyo garab ka mid ah xarakada Alshabaab ayaa saacadihii ugu dambeeyay uu dagaal ku dhexmarayay Tuulooyin hoos yimaada magaalada Kismaayo .

Dagaalka oo soconayay saacado badan ayaa wararka aynu ka heleyno waxa ay sheegayaan in uu ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac farabadan kaas oo soo kala gaaray labada dhinac ee dagaalamay.

Saraakiil ciidan oo ka tirsan ciidamada Dowladda Jubbaland ayaa noo xaqiijiyay in dagaalkii dhacay ay alshabaab kaga dileen dagaalyahano badan ayna ku dhaawaceen kuwo kale.

Waxa kale oo saraakiishaasi sheegeen in saaka hirtii waaberi ay weerarka soo qaadeen dagaalyahanadaas islamarkaana ay weerarka ku ekeeyeen xero ciidanka lagu tababaro oo ku taala duleedka magaalada taas oo lagu magacaabo Luglaw, balse ciidankuu ku jiray oo ahaa kuwo Tababaran ay jilibka u aasteen iyagoo ka dibna iska caabiyay meeshana ka eryay.

Warar kale ayaa sheegaya in garabka weeraray ciidanka juba ay ahaayeen kuwo dhowaan sheegay in ay alshabaab ka bexeen oo ay noqdeen Daacish ayna xurguf kala dhexeysay dhinicii kale ee alshabaab.

Ugu dambeyntii ma ahan markii ugu horeysay oo ay Xoogaga Alshabaab iyo Ciidanka Juba ay ku dagaalamaan deegaanada hoos yimaada magaalada Kismaayo, waxaana uu ku soo aadayaa xili mudooyinkii u dambeeyay uu sheegayay maamulkaas in uu abaabulayo duulaan ay ku weeraraan deegaanada ay ku suganyihiin xarakada Alshabab

Facebook Comments