Somali News

Dhagayso:- Ciidanka Booliska Gaalkcyo oo Gacanta ku dhigay Dhalinyaro Tahrribaysay

Ciidanka booliiska gobolka Mudug ayaa maanta qabtay gaaro nooca Soomaalidu utaqaa Nohada oo ay saarnayeen dhalinyaro Tahriibayaal.

Dhalinyarada oo tiradooda gaaraysay 16 qof ayaa isugu jiray Rag iyo Dumar, waxayna Taliska ciidanku booliiska iyo Maamulka Gaalkacyo ay sheegeen inay ahaayeen Tahriibayaal kusii jeeday wadamada Carabta.

Taliyaha qaybta Booliiska gobolka Mudug Cabdirishiid Xaashi Gabi-Gabi ayaa sheegay in 16 ka dhalinyarada ah 4 kamida ay yihiin Gabdho, wuxuuna tilmaamay in Dhalinyarada qaarkood waalidiintood gacan kusiiyeen inay wadan kale u Tahriibaan.

Gaba gabi ayaa xusay inay Tahriibta la dagaalami doonaan, cidkasta oo tahriib lagu qabtana xabsiga la dhigo,isagoo ugu baaqay maamul gobolka inay sharci ka soo saaraan baabuurta qaada Tahriibta,wuxuuna dowladda ka codsaday in xeer laga soo saaro.

Related posts

Yuusuf Dabageed oo ka hor yimid Xil ka qaadistii lagu sameeyay.

admin

Wasiir Cali Ciid” Kenya xaq uma lahan in ay shacabka gedo ka argosato wa in ay al shabaab raadsadan”

admin

War Cusub: Maxaadan Ogeyn oo Muhiimadeeda leh oo Turkiga iyo Soomaliya ay Markaan Iska kaashan doonan???+Sawirro

Tifaftiraha K24