Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /customers/8/7/9/kismaayo24.com/httpd.www/wp-includes/post-template.php on line 284
Somali News

Dhagayso:- Beelihii ku Dagaalamay Gobalka Hiraan oo Maanta la Heshiisinayo

Iyadoo Magaalada Baledweyne uu ka dhacay Dagaal u dhexeeya Labo Maleeshiyo Beelood oo ku dagaalamay Xaafadda Howlwadaag ee Galbeedka Baledweyne ayaa waxaa la filayaa in maanta markii ugu horeeysay la isku keeno Dhinacyadii ku Dagaalamay Magaalada.

Wafdi ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya oo Baledweyne u tagay Xalinta Colaadaasi ayaa maanta doonaya in ay isku keenaan Labada Dhinac ee ku dagalabay Galbeedka Magaalada.

Wasiir Dowlaha Madaxyooyada Soomaaliya Mudane Mahad Maxamed Salaad oo ka mid ah Wafdiga Dhex dhexaadinta ka wada Baledweyne oo la hadlay K24 ayaa sheegay in Maanta loo balan san yahay isku keenida Labadii dhinac ee Xaafadda Howlwadaag ku dagaalamay si looga wada hadlo Amuuraha la isku hayo.

“Maanta ayaan isku keeneynaa Odayaasha kala Matalaya Beelihii ku dagaalamay Baledweyne si aan Xal u keeno,waxaa ku Howlan Arrintii Dagaalka Dowladda Federaalka,Maamulka Gobolka,Odayaasha Dhaqanka iyo Saraakiisha AMISOM,waxaana filayaa in ay qeyr ku dhamaato Insha Allah”ayuu yiri Mahad Maxamed Salaad.

Goobihii ay ku dagaalameen Maleeshiyaadka ayaa la dhigay Ciidan ka tirsan Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya si ay u ilaaliyaan in aan markale dagaal dhicin.

Related posts

DEG DEG: Alshabaab oo Madaafiic ku duqeeyay Saldhig ay Ciidamada itoobiya ku leeyihiin Dagmada……

Tifaftiraha K24

Akhriso: Baarlamaanka soomalia oo war culus ka soo saaray howlgalka xasilinta iyo hub ka dhigista ee muqdisho ka socda

Tifaftiraha K24

Waa sidee Xaaladda Magaalada baladweyne kadib Dagaalo shalay halkaasi ka dhacay.

admin