Animation

Dhagayso: Beelaha Hawiye “Xayiraada la Saaray Gaadiidka Xamuulka ee Gaalkacyo waa Mid lagu Curyaamino Hormarka Ganacsi ee Beesha”.

no responses
Saturday September 10, 2016 - 4:18 under Somali News by admin
mqdefault

Tan iyo Markii Maamulka Puntland uu Xanibaad saaray Gaadiidka Xamuulka ee ka yimaada Koonfurta iyo Bartmaha Somalia isala markaana la sheegayo in Magaalada Gaalkacyo ay ku xaniban yihiin Gaadiid kala duwan oo sida Badeecao ay qudaar ka mid tahay ayaa waxaa hadana dhanka kale isa soo taraya Codsiyada loo jeedinayo Maamulka Puntland.

Gudoomiyaha Odoyaasha Dhaqanka Beelaha Hawiye Nabadoon Maxamed Xasan Xaad oo la hadlay qaar kamid ah Warbaahinta ayaa wuxuu ugu baaqay Maamulka Puntland in uu joojiyo Xayiraada, isla markaana loo Fasaxo Gaadiidka in ay isaga kala Gudbaan Gobollada kala duwan ee Dalka.

Halkaan Hoose ka dhagayso Codka Nabadoon Maxamed Xasan Xaad:

Sidoo Kale Afhayeenka Beelaha Hawiye Nabadoon Axmed Diiriye Cali ayaa isna ku Taliyay Talo Midaasi la mid ah.

Halkaan Hoose ka dhagayso Codka Nabadooon Axmed Diiriye Cali:

Puntland ayaa Dhawaan waxaa ka dhaqan gashay Wareegta kasoo Baxday Xafiiiska Madaxwayne Ku xigeenka Maamulkaasi, Taasi oo amraysay in ay Gobollada Puntland aysan Gali karin Gawaarida Xamuulka ee ka yimaada Gobollada Dhexe iyo Kuwa Koonfureed ee Somalia, waxaana Wareegtadaasi ay Caqabad xoogan ku noqotay Ganacsatada Maadama ay Faa’iido badan oo dhanka Ganacsiga ay ka heli jireen Badeecadaha ukala Gudbaya Puntland iyo Gobollada Kale ee Somalia.