Animation

Dhagayso: Banaanbax looga soo horjeedo Madaxwaynaha Cusub laguna Taageerayo Madaxwaynihii Hore oo Gilgilay Magaalooyinka ….

no responses
Monday September 5, 2016 - 10:19 under Somali News by admin
mqdefault

Kumaan dad ah ayaa isugu soo baxay wadooyinka magaalooyinka dalka Brazil waxaana looga soo horjeeda madaxweynaha cusub ee dhowan loo dhaariyay xilka dalkaas, waxaana sidoo kale mudaharaadkaan lagu taageerayaa madaxweynihii hore ee dalka Brazil Dilma Rousseff oo ay xil ka qaadis ku sameeyeen Golaha congreska dalkaas.

Dadka soo abaabulay mudaharaadyada oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in 50,000 oo qof ay isugu soo bexeen oo kaliya magaalada Sao Paulo ee dalka brazil,banaanbaxaas oo socday mudo todobo maalinah laguna diidanyahay Michel Temer oo ah Madaxweynaha Cusub.

Halkaan Hoose ka dhagayso Warbixin Kooban oo Banaanbaxyadaasi ku saabsan: