Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /customers/8/7/9/kismaayo24.com/httpd.www/wp-includes/post-template.php on line 284
Somali News Top News

Dhagayso:- Ahlusunna oo Fah Faahisay Dagaalkii Dhuusomareeb

Maamulka Ahlu sunna ayaa ka hadlay khasaaraha dagaalkii ka dhacay magaalada Dhuusomareeb ee gobolka Galgaduud oo u dhaxeeyay Ahlu sunna iyo ciidamo uu hogaaminayo Liibaan Madaxweyne oo horey kaga goostay Ahlu sunna.

Mursal Maxamed Xeefow oo ka mid ah Ahlu sunna ayaa sheegay in dagaalka ka dhacay magaalada Dhuusomareeb uu sababay khasaaro badan waxaana jira dhimashada 12 qof oo isugu jira dhinacyada dagaalamaya iyo shacabka magaalada.

Ku dhawaad 12 ruux ayaa la sheegayaa iney ku dhinteen dagaalka oo saqdii dhexe ee xalay ka bilowday magaalada Dhuusomareeb, waxaana jiro khasaaro hanti oo dagaalka ka dhashay.

Mursal, wuxuu sheegay in ciidamada Ahlu sunna haatan si buuxda ay gacanya ugu hayaan magaalada Dhuusomareeb ee gobolka Galgaduud waxaana ciidamadii kale ee la dagaalamayay ay joogaan banaanka magaalada Dhuusa mareeb.

Related posts

Itoobiya oo Ciidan Somali ah Tababar ugu soo Xirtay Magaalada Kismaayo Ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose

Sakariye Sakariye

Xildhibaan Axmed Macalim Fiqi ka hadlay Arintii maanta ka dhacday garoonka Aadan Cadde.

admin

Dhagayso Kacdoon ka dhan ah Xasan Sheikh oo ka bilowday Gobolada Somalia

admin