Animation

Dhagayso:- Abuurka Cawaale oo Ka Hadlay inuu Joojinayo Dagaalka Qaadka lagula Jiro

no responses
Wednesday November 11, 2015 - 4:21 under Breaking News by Tifaftiraha K24
mqdefault
Spread the love

Abuukar Cawaale Qaadiid oo la hadlay Warbaahinta isaga oo ku sugan dalka Britain ayaa sheegay in joojinta qaadka ee dalka Britain ay keentay isbadal balaaran, oo dhallinyaradu ay bilaabeen inay wax qabsadaan oo ay ka qeyb qaataan horumarinta noloshooda.

Abuukar ayaa xusay in dhalinyarada markii hore lagu eedeyn jiray inay daroogada isticmaali jireen, isagoo bulshada uga mahadceliyay sida ay u qaateen dadaalladii uu ku bixiyay la dagallanka qaadka, taasi oo keentay in Ingiriiska laga joojiyo.
Abuukar ayaa xusay in uu jiro siyaabo dhuumaaleysi ah oo markii hore qaadka lagu soo gelin jiray, balse ciidamada amniga ee dowladda Britain ay ka hortageen sidii qaadka loo geyn lahaa dalka Ingiriiska, waxaana uu intaa ku daray in uu dib ugu soo laabanao caasimadda oo halkaasi ka sii wadi doono dadaalkiisa ku aadan joojinta qaadka.
Facebook Comments