Madaxweynaha Dowlad-Gobaleedka Jubbaland Shiikh Axmed Maxamed Islaam ‘Axmed Madoobe’ iyo Saraakiisha Ciidamada Jubbaland iyo Kuwa isku dhafka ah ee DFS Soomaaliya ayaa maanta kormeer ku tagay Saldhigyada Ciidanka ee ku yaala Duleedka Magaalada Kismaayo.
Kormeerka Madaxweyne Axmed Madoobe iyo Saraakiisha Ciidama ayaa ku qotomay u kuur galida xaalada rasmiga ah ee Ciidamadda ka hor inta uusan bilaaban howl-galka la magac baxay Webiga Jubba. Kaas oo la filayo in uu Bilowday maal maha soo aadan.
Madaxweynaha iyo Saraakiisha ku wehelisay kormeerka ayaa ugu horeyn ku hormaray Xerada Akadeemiya oo saldhig u ah Ciidamada Daraawiishta Jubbaland, Waxaana halkaas ku soo dhaweeeyey Taliyaha Ciidamada Daraawiishta Aadan Gojaar Madaxweynaha ayaana u kuurgalay xaalada Ciidamada Daraawiishata ee Jubbaland.
Intaas ka dib Madaxweynaha iyo Saraakiisha la socotay ayaa u gudbay Deegaanka Jaamacada oo ay ku xareysan yihiin Ciidamada Isku dhafka ah ee qaybta 43-aad ee Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliya. Waxaana halkaas ku soo dhaweeyey Taliyaha Ciidanka Isku dhafka Gaashaanle sare Muxyadiin Cabdixakiim Sayid Maxamed Cabdile Xasan iyo Cutub ka tirsan Ciidanka oo uu Madaxweynuhu salaan sharaf ka qaatay.
Madaxweynaha ayaana halkaas kula hadlay Ciidamada Isku dhafka ah ee DFS, isga oo u sheegay in ay Raashinkooda ay bixin doonta iyo Mushaarkooda Dowlada Fedaraalka Soomaaliya, Loogana baahan yahay in ay ogaadaan in ay yihiin Ciidamo ka tirsan Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliya.