DHACDO XANUUN BADAN : XAASKIISA IYO SEDDEX WALAAL LA DHASHAY AYUU DILAY ISAGANA WUU IS DILAY.( MUQDISHO)

0

Dhacdo argagax badan ayaa maanta waxa ay ka dhacday qeybo kamid ah degmada wadajir ee gobolka banaadir kadib markii nin dadka deegaanka ah uu toogtay afar ruux oo xaaskiisa ay ku jirtay .

Cabdulqaadir Maxamuud Caddaan oo ah ninka falkaan argagaxa badan geestay ayaa waxaa uu rasaas ku furay Xaawo Maxamuud Caddaan oo ah Walaashiis, C/llaahi Maxamed Yalaxow iyo Maxamed Tuur-yare oo ay ilmo adeer ahaayeen iyo Xaaskiisa oo lagu magacaabi jirey Xaliimo Xuseen Cali Kowshe isagiina wuu is dilay markuu hubsaday in dhamaan ay dhinteen ehelkiisa oo sababsaday gacantiisa.

Lama oga sababta uu isu dilay cabdulqaadir cadaan una dilay xaaskiisa iyo seddex kamid ah walaaladii oo mid kamid ah ay isaga la dhalatay oo isku aabo yihiin.

Maamulka dagmada wadajir ayaa sheegay in baaritaan ay ku sameynayan sababta uu ninkaan u dilay afarta ruux isagana uu naftiisa u dilay.