Somali News

Dhacdo argagax leh oo saakay ka dhacday magaalada guriceel iyo dadka deegaanka oo amakaagsan

Magaalada guriceel ee gobolka galgaduud waxaa saakay ka dhacay arin aad u naxdin ah kadib markii nin kamid ah dadka deegaanka uu gowracay haweeneydii u dhixi jirtay ee xaaskiisa aheyd.

Ninkaan ayaa la sheegay in madaxa looga jiray oo xooga aanu maskaxdiisu caafimaad qabin waxaana lagu magacaaba Maxamed Xaaji Cabdi Siyaad xaaskiisana waxaa lagu magacaabi jiray allaha ha u naxariistee Canab File.

Ninkaan iyo xaaskiisa oo uu saakay gowracay waxa isku dhaleen 7 caruur ah iyadoona ay noqotay dhacdo murugo leh.

Ciidamada maamulka ahlu-sunna ee magaalada guriceel ayaa gacanta ku dhigay ninkaan gowracay xaaskiisa waxaana hada uu ku xiranyahay xabsiga iyadoona baaritaano ay ku socdaan.

Waa dhacdadii ugu horeysay oo naxdin leh oo ka dhacda dagmada guriceel iyadoona magaalada saakay aad looga hadal haayo dhacdadaan xanuunka badan.

Related posts

Daawo: R/Wasaare Kheyre” Guddoomiye Jawaari Waa Astaanta Qaranka Oo Wadaniyadiisa Aan Shaki La galin karin”

admin

Dhagayso+Sawiro:- Fah faahin Qarax Ismidaamin ah oo Garowe Kadhacay + Khasaaraha

admin

Madaxda Dalalka Bariga Afrika Oo Ka Arrinsanaya Xaalada Soomaaliya.

Ahmed sudani