Dhacdo Argagax Leh: Nin Walaalkiis Arin Lama Filaan Ah Ugu Dilay Magaalada Jowahr Ee Gobolka Sh/Dhexe

0

Nin Lagu Magacaabi Jiray Jilibeey Ayaa lagu Dilay Xaafada Kulmis Ee Magaalada Jowhar,waxaa dilay walaalkiis oo lagu magacaabo Maxamed.

Muran ka dhashay is fahmi waa ayey keentay in ay is feeraan labada Walaalo kadibna Maxamed oo ka weynaa Jilbeey ayaa Guriga galay kadibna Qori lasoo baxay sidaana ku toogtay.

Dilka ayaa dhacay Xalay waxaana lasoo warinayaa in Xaaladu ay tahay mid aad loo hadal hayo ninkaas walaalkiis dilay Magaalada Jowhar Caasimada HirShabelle.

Advertisement

Ciidamada Amniga ayaa lasoo sheegayaa inay gacanta ku dhinteen gacan ku dhiiglahaasi walaalkiis dilay.

Dhacdooyinka nuucaan oo kale ah ayaa waxay muddooyinkii dambe kusoo badanayeen Deegaanada Soomaaliya,taas oo hore aysan udhicin.