Animation

DF oo Gudi Gaar ah maanta u direyso Beledxaawo & Xad gudubka Kenya oo lasoo ogaanayo

no responses
Tuesday November 17, 2015 - 8:30 under Somali News by admin
mqdefault

Dowlada federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Tallaado ah u direyso degmada Beledxaawo gudi ka kooban baarlamaanka Soomaaliya iyo xukuumada federaalka Soomaaliya, kuwaasi oo soo indho-indheynaya xad gudubka dowlada Kenya ka waddo  dhulka Soomaaliya.

Gudiga ayaa waxay ka kooban yihiin gudiga arimaha dibada & gudiga arimaha gudaha baarlamaanka Soomaaliya oo ay wehliyaan xubno aan la cayimin oo ka tirsan xafiiska ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali.

Wararka ayaa sheegaya in gudiga ay diyaarad maanta ku tagi doonaan degmada Doolow ee gobolka Gedo, iyaga oo adib usoo gudbi doona degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo.

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo kamid ah gudiga arimaha dibada baarlamaanka ayaa sheegay in gudiga waxyaabaha ay kusoo arkaan dhanka xuduuda ay dib ugula soo laaban doonaan baarlamaanka iyo xukuumada Soomaaliya.

Qaar kamid ah xubnaha maamulka degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo ayaa sheegay in dowlada Kenya ay burburisay dhamaan caalamadihii lagu aqoonsan lahaa xuduuda u dhaxeyso dowladaha Kenya iyo Soomaaliya.

kismaayo24.com

abdi kafi abdi abdulle