Somali News

DF Oo Beenisay Inay Bedashay Mowqifkeeda Badda Soomaaliya

Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ka hadashay Warar Been abuur ah oo ay baahiyeen qaar ka mid ah Warbaahinta, kaasi oo sheegayey inuu isbeddelay Mowqifka Dawladda ee ku aadan qaddiyadda kiiska horyaalla Maxkamadda Caddaaladda Adduunka ee ICJ.

Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/nuur Maxamed Axmed ayaa Wararkaasi ku tilmaamay ku been Abuur ah, isaggoo Xusay  in Xafiiska Xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka uu wado Baaritaan  ku saabsan Ilaha Wararkaan Been Abuurka ah Baahiyey.

“Waxaan si cad u beeninaynaa wararka been abuurka ee lagu baahiyay qaar kamid ah warbaahinta ee lagu sheegay inuu isbeddelay mowqifka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee la xiriira qaddiyadda kiiska horyaalla Maxkamadda Caddaaladda Adduunka ee ICJ, Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa baaritaan ku haya ilaha wararkan been abuurka ah” Ayuu yiri C/Nuur Maxamed Axmed

Related posts

Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed oo kahadlay Xasuuqii Galkacyo.

admin

Wae Hada soo dhacay: Maxaad kala socotaa Qasaaraha ka dhashay Qarax xoogan oo Maanta ka dhacay Magaalada Kismaayo iyo Halka Lala Bartilmaameedsaday?? Warar ayaan idin kaga heynaa

Tifaftiraha K24

Xukuumadda Soomaaliya oo gudi u saartey dadka ku dhibaateysan Gobaladda Dalka

admin