Somali News

DEGDEG:Meydka Gudoomiyihii Hore ee Gobolka Banadir oo soogaaray Muqdisho.

Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde Magaalada Muqdisho ayaa Goordhow waxaa laga soo  dejiyay Meydka Allaha u naxariistee Guddoomiyihii Gobolka Banaadir ahaana Duqii Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Eng.Yariisow oo laga keenay dalka Qatar.

Garoonka Aadan Cadde ayaa waxaa ku sugan Guddiga qabanqaabada Aaska Eng. Yariisow iyo boqolaal shacab ah,kuwaasi oo Meydka ku sugayay Garoonka diyaaradaha.

 Sidoo kale waxaa halkaas ku sugan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo,Ra’iisul Wasaare Kheyre,Guddoomiyeyaasha labada Aqal ee dalka iyo Mas’uuliyiin badan oo ka tirsan dowladda,isla markaana waxaa Garoonka lagula tukanayaa Talaada Janaasabada meydka  Guddoomiye Yariisow.

Related posts

TOP NEWS: Maxaad ka garaneysa Ninka lagu Badalay Caydiid Ilka Xanaf Muxuuse ka soo noqday Maamulka Soomaliland?

admin

Dagaal Culus oo Saakay Markale dib uga qarxay Deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool

admin

Diyaarad milateri oo sida daawo oo Mareykanka u soo diray Muqdisho

admin