DEGDEG: Xiisad ka dhex taagan Ciidamada Kenya iyo Itoobiya ee kusugan Kismaayo.

0

Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah JUbbaland ayaa sheegaya in xiisad ka dhex taagan tahay taliska ciidamada AMISOM ee maamulaya gudaha garoonka diyaaradaha.

Ciidamada Kenya waxay diidan yihiin talaabada ciidamada Itoobiya ay hubka ula galeen madaarka magaalada Kismaayo, sidaas oo kalena waxay ku doodayaan in ay iyagu amniga sugayaan.

Taliyaha ciidamada AMISOM ee u dhashay dalka Itoobiya ayaa hadda ka dagaya garoonka diyaaradaha, waxayna ciidamada Itoobiya hub lagaleen garoonka oo ay hadda kusugan yihiin gudaha halka diyaaraddu soo cagadhigato.