Somali News

DEGDEG: Wasiirka warfaafinta Maamulka Puntland oo beeniyey in ciidamo ka goostay ay ku biireen Somaliland.

Maamul Goboleedka Puntland ayaa beeniyay in qaar ka mid ah ciidamadooda ay ku biireen ciidamada dowlad goboleedka Somaliland.

Wasiirka warfaafinta dowlad goboleedka Puntland Cali Axmed Sabarey oo magaalada Garowe kula hadlay warbaahinta maxaliga ah, ayaa sheegay ciidamada lagu soo bandhigay Taleex inay yihiin maleeshiyo beeleed loo galiyay dareeska ciidanka oo hore halkaasi ku sugnaa.

“Majiro awood ay xilligaan Somaliland kula wareegi karto ciidamadeena balse gudaha Somaliland waxaa ka jira jahweerar siyaasadeed.”ayuu yiriWasiirka warfaafinta Puntland.

Wasiirka Puntland Cali Axmed Sabarey ayaa sheegay in ciidanka Puntland ay ku suganyihiin xeryahooda,isla markaana ay qaataan mushaaraadkooda.

Mas’uuliyiin u hadashay maamulka Somaliland ayaa sheegay in ciidamo lagu soo bandhigay magaalada Taleex ay yihiin ciidamadii Puntland ee ku sugnaa degaanka God-qaboobe ee hoostaga degmada Tukaraq.

Maamulada Puntland iyo Somaliland oo uu ka dhex jiro khilaaf dhinaca dhulka ah ayaa waxaa hore ciidamadooda dagaalo ugudhex maray deegaano ka tirsan gobolka Sool iyo Sanaag.

Related posts

Ugaas Maxamed Ugaas Xaashi oo uga tacsiyeeyey qoyska reer Xaaji Maxamed Masalle, geeridii Marxuum C/qaadir Xaaji M. Masalle.

admin

DEG DEG: Dhageyso Waa Sidee Xaalka Deegaanka Luuq-Jeeloow Yaase Hada Maamulaya??

Tifaftiraha K24

XOG: 3 Malyan oo Dollar oo ku baxday Socdaalkii RW Cabdiweli ee Kismaayo iyo dadaalada hada socda..

admin