Animation

Degdeg: Wasiirka Amniga Gudaha Kenya Joseph Nkasierry oo Geeriyooday.

no responses
Saturday July 8, 2017 - 11:38 under Arimaha Bulshada by admin
mqdefault

Sida ay goordhow baahiyeen warbaahinta dalka Kenya, wasiirkii amniga dalkaas Joseph Nkaissery, ayaa xalay Geeriyooday.

Wasiirka oo shalay ka qeyb galay isku soo bax ka dhacay fagaaraha Uhuro Park, ayaa xalay ku geeriyooday Karen Hospital,kadib markii uu isku sameeyay Baaritaan guud (Check-up).

Ilo ku dhow dhow wasiirka Geeriyooday ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in Mr Nkaissery uu xalay abaaro 3pm aaday Isbitaalka Karen si uu isugu soo sameeyo baaritaan guud.

“Xaqiiqdii wuxuu u muuqday mid aad u caafimaad qaba, laakiin wuxuu ii sheegay inuu aadayo Isbitaalka si uu baaritaan guud isugu soo sameeyo” sidaa waxaa yiri mid kamid ah dadka sida aadka ah ugu dhawaa wasiirka.

Meydka wasiirka ayaa waxaa hada la geeyay “Lee Funeral Home” halkaasoo lagu wado in lagu sameeyo baaritaano caafimaad, si loo ogaado waxa sababay Geeridiisa.

Madaxweyne Uhuro Kenyatta ayaa Nkaissery u magacaabay wasiirka amniga Kenya taariikhdu markeey ahayd 2, 2014, waxaana uu badalay Joseph Ole Lenku.