Somali News

DEGDEG: Somaliland oo qabsatay deegaan dhaca duleedka Magaalada Garowe iyo Ciidamo gudaha u galay

Wararka ka imaanaya magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa sheegaya in ciidamo hubaysan oo ka tirsan kuwa maamulka Somaliland ay qabsadeen degmada Boocame ee gobolka Sool.

Ciidamadani oo ku qalabaysan gaadiidka dagaalka iyo hubka noocyadiisa kala duwan ayaa la wareegay gacan ku haynta deegaankaasi, kadib dagaal kooban oo dhex maray iyaga iyo ciidamo ka tirsan Puntland oo hore ugu sugnaa deegaankaasi Boocame.

Dadka deegaanka oo la hadlay Puntlandtimes ayaa iyaguna dhankooda sheegay in ciidamada Somaliland ay gudaha u galeen degmada Boocame, kuwaas oo watay gaadiid dagaal oo gaadhaya 50 Tikniko ah.

Saraakiisha ciidamada ayaa kulamo la qaatay waxgaradka deegaanka oo ay kala hadleen arimo kala duwan, waxaana si rasmi ah aan loo ogeyn khasaaraha ka dhashay dagaalkii ka dhacay deegaanka Boocame.

Puntland oo hore ciidamo u gaysay deegaankaasi ayaa lagala wareegay markii labaad gacan ku haynta Boocame, waxaana ciidamadii kaga sugnaa Boocame hada ku sugan yihiin deegaanka Buura Wadal kadib markii laga saaray Boocame.

Degmada Boocame ayaa u jirta magaalada Garowe 60 KM, waxaana Puntland u astaysay deegaankasi in ay ka dhigto xarun ciidan si ay uga gaashaamato weerarada Somaliland hasa yeeshee ciidamada ka joogay Puntland Boocame ayaa ku biiray Somaliland, iyadoona ugu dambeyntii xiisado soo kala dhex galay Puntland iyo Somaliland ay sababeen in Somaliland awood ciidan ay kula wareegto deegaankaasi kadib markii Puntland ciidamo gaysay.

Related posts

Daawo: Taliyaha ciidamada difaaca dalka Uganda oo Muqdisho soo gaaray maxayse tahay qorshahiisa?

Tifaftiraha K24

Shirkii Maanta La Filayey in u ka furmo Cadaado ee maamul u sameynta gobaladdha dhaxe oo uu hakad ku yimid.

admin

Warbixin “Wadan Barwaaqo Dadkiisuna Baahan Yahay” W/Q Zakariye Maxamuud Cali Qaran

admin