Somali News

DEGDEG: Odayaal dhaqmeed ku xirnaa Magaalada Boosaaso oo laxukamay Maanta.

Maxkamadda darajada koowaad ee gobalka Bari ayaa maanta xukuno kala duwan ku riday odayaal dhaqameed ku eedaysan kicin dad weyne iyo abaabul dagaal sida ay sheegtay xeer ilaalintu.

Maxkamadda ayaa labo sano oo xadhig ah iyo ganaax dhan Kun oo Dollar waxa ay ku riday Nabadoon Cabdicasiis Baydhabo iyo Maxamed Aadan Rooble oo kamid ah shakhsiyaad dhaliilay xukuumadda Denni.

Maxkamadda ayaa sidoo kale siyaasi Muuse Cali Jaamac, Cabdulaahi Yusuf iyo Cawad Ceel waxa ay ku xukuntay saddex bilood oo xadhig ah iyo 500 oo Dollar oo ganaax ah.

Odayaashan xukunada kala duwan lagu riday ayaa qayb ka ah waxgarad iyo siyaasiyiin warbaahinta ka hadlay kuwaas oo dowladda dhaliilo u soo jeediyey, waxaase taas badalkeed lagu xidhay xabsiga Boosaaso iyadoona ugu dambeyntii lagu maxkamadeeyey gudaha magaalada Boosaaso.

Related posts

XOG: Olale ka dhan ah Maamulka Jubbaland , oo ay Wadaan Siyaasiyiin caan ah oo ka socota Nairobi.~Akhriso~

admin

Dhagayso:- Maamulka Cusub ee Degmadda Banderbayla oo kawarbixiyeey qaabkii loo doortay

Tifaftiraha K24

Shir looga hadlayo arrimaha abaarihii Dalka ka dhacay oo maanta ka furmaya Kismaayo

Sakariye Sakariye