DEGDEG: Madaxweyne goordhaw iscasili raba iyo Ciidamada AMaaanka oo isku gadaamay.

0

Wararka ka imaanaya caasimada dalka Suudaan ayaa sheegaya in xaalad jaah wareer ah ay ka taagan magaalada Khartuum, kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in ciidamada Milatariga ee dalka Suudaan ay la wareegeen qasriga madaxtooyada dalkaasi.

Dhinaca kale Ilo ku dhow madaxweynaha dalka Suudaan Cumar Xasan Al-bashiir ayaa sheegay in madaxweynuhu uu iscasilayo saacadaha soo socda, waxaana la adkeeyey amniga guud ee dalka iyada oo ay gaaf wareegayaan ciidanka Milatariga oo isku diyaarinaya in ay la wareegaan talada dalka.

Maanta oo Khamiis ah ayaa la qorsheeyey in ay dhacaan banaan baxyo lagu taageerayo Al-bashiir laakiin waxaa baajiyay gudiga amniga ee Khartuum, waxaana uu madaxweynuhu noqonayaa madaxweynihii labaad ee Carbeed ee iscasila bishan gudaheeda maadaama uu hore isku casilay madaxweynihii dalka Aljeeriya.