DEGDEG: Kooxo hubeysan oo toogasho ka geystay Magaalada Muqdisho.

0

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dil askari ka tirsanaa ciidamada dowladda loogu geystay degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir.

Dilka oo ahaa mid qorsheysan ayaa ka dhacay xaafadda Kaawo Godey, iyadoona ay fuliyeen rag ku hubeysnaa Bistoolado, kuwaas oo goobta isaga baxsaday.

Wararka qaar ayaa sheegaya in askariga la dilay uu ka tirsanaa ciidamada kuwa qaada canshuuraha ee loo yaqaano Minashiibiyada.

Dhinaca kale Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda dilkaasi, waxaana ay baahisay inay fuliyeen dagaalyahanno ka tirsan kuwooda, sida gaarka ah u tababaran.