Somali News

DEGDEG: Isbitaalka Magaalada Gaalkacyo oo dad farabaden la dhigay iyo Dhakhaatiirta oo…..

Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa sheegaya in xanuun aanan la garanayn waxa uu yahay uu ka dilaacay gudaha magaaladaasi Gaalkacyo, kaas oo soo ritay dad badan.

Dhakhaatiirta ka hawlgasha cisbitaalka weyn ee magaalada gaalkacyo ayaa sheegaya in cisbitaalku la ciir ciirayo bukaano uu soo ritay xanuun aan weli la aqoonsan waxa uu yahay.

Xanuunkani ayaa lagu sheegay in uu carruur badan soo ritay, walowse ay jiraan dad waa weyn oo uu soo ritay  kuwaas oo iyagana la dhigay xarumaha caafimaadka magaalada Gaalkacyo.

Dhakhaatiirta ayaa sheegaya in dadka uu soo ritay xanuunkaasi lagu arkay calaamado ay kamid yihiin calool barar, daba dhiig iyo  matag dhiig ah, hasa yeeshee ay wadaan baadhitaano ay ku aqoonsanayaan xanuunkaasi.

Sidoo kale waxa ay sheegeen in dhiigag iyo dheecaanno laga qaaday bukaanada qaarkood, kuwaas oo loo qaaday magaalada Nairobi si baadhitaanno loogu soo sameeyo, waxaana cisbitaalka guud ee magaalada Gaalkacyo oo la geeyay bukaanada u badan gacanta ku haysa hay’adda MSF taas oo la tacaalaysa bukaanadani cusub.

Related posts

Madaxweyne Siilaanyo oo ka waramay kulan uu la qatay Cali Khaliif Galayr.

admin

Dhagayso:- Madaxweynaha Dowlada Puntland Oo Cambaareeyay Weerarkii Liido Sea Food Fariina U Direy Shacabka Soomaaliyeed

Tifaftiraha K24

Sawirro: Magaalada garoowe ee xarunta Maamulka Puntland oo shacab iyo mas’uuliyiin ay meel ku wada ciideen

Tifaftiraha K24