DEGDEG: Hogaanka Ahlu Quraafa oo Shir Deg-Deg Ah Uga Socdo Caasimada Galmudug ee Dhuusamareeb.

0

Hoggaanka Ahlu Quraafa ayaa haatan kula deg deg ah ku leh magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada Galmudug.

Kulanka oo ah mid xasaasi ah, islamarkaana uu albaabada u xiran yahay ayaa ka socda xarunta Inji halkaas oo uu ku yaallo xafiiska madaxa xukumadda Galmudug, Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan.

Ilo ku dhow kulankaasi ayaa Warbaahnta u sheegay in looga hadlayo arrimo la xariira guddiga farsamada ee ay xalay magacawday dowladda Soomaaliya.

Ahlu Quraafa  ayaa lagu soo warramayaa in aysan ku qanacsaneyn guddigaas oo ka kooban 13 xubnood, kana shaqeyn doono sidii loo heli lahaa Galmudug oo mid ah.