Somali News

DEGDEG: Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo Awaamiir culus duldhigey Ciidamada Ka howl gala.

Duqa Magaalada Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Injireer; C/raxmaan Cumar Cusmaan (Yariisoow), oo Xalay guddoomiyay Shirka amniga Caasimadda ayaa sheegay in ay laamaha ammaanku fashiliyeen qarax iyo isku day weerar, isagoo sidoo kale ku ammaanay Shacabka Muqdisho oo ciidamada ku wargeliyay qaraxyada la fashiliyay.

Wuxuu sheegay in ay maamulka Gobolka, Degmooyinka, hay’adaha ammaanka iyo Shacabkuba isku xireen, taas oo sababtay in ay Habeen kasta qabtaan Shir looga hadlaya ammaanka Caasimadda iyo halka uu marayo.

Mas’uuliyiinta ayuu faray in ilaaladooda ay qaataan lebiska lagu yaqaan, wuxuuna sidoo kale digniin u diray Askarta Millitariga ah ee Tuutaha ku mara dariiqyada , isagoo u soo jeediyay in ay isu sheegaan Ciidanka ammaanka ee Waddooyinka ka howl gala, si aysan ugu soo dhex dhuuman Argagixisada Al-Shabaab.

Guddoomiyaha ayaa Dadka leh Gaadiidka noocyadiisa kala duwan ugu baaqay in ay samaystaan aqoonsiyo, is diiwaan geliyaa haddii ay iska iibinayaanna ay ka beddelaan Magacooda, haddii kale ay ciqaabteeda dusha u ridan doonaan.

Related posts

TOP NEWS: Dhageyso Afar ka mid ah Odayaasha Dagmada Aadan yabaal oo saakay ay Shabaab ku…

admin

Kismaayo News Agency Person of The Year oo lagu dhawaaqay yaase ku gulaystay.

admin

Cabdiweli Gaas Oo Is Casilaya Sababta AKHRISO.

admin