DEGDEG: Goob  uu khudbad ka jeedinayey Kheyre oo bam lagu weeraray.

0

Bam gacmeed ayaa maanta lagu tuuray barxadda xarunta degmada Marka ee gobolka Shabeellada Hoose, halkaasi oo uu khudbad ka jeedinayey ra’iisul wasaraaha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo booqasho ku jooga magaalada.

Bamka oo qofkii soo tuuray uu baxsaday islamarkaana aan la garaneyn ayaa la sheegay inuu ku qarxay meel waxyar u jirta halkii uu Kheyre ka waday hadal-jeedinta, sida ay goob-joogeyaal u xaqiijiyeyn  Warbaahinta Madaxa Banaan.

Qaraxa bamka ayaa la sheegay in dhaawacyo fudud uu kasoo gaaray qaar ka mid ah ilaalada ra’iisul wasaaraha. Ra’iisul wasaaraha ayaa la sheegay inaan marnaba halis gelin, qaraxana uu ka yara fogaa, balse uu naxay oo uu joojiyey khudbaddii.

Dadkii meesha joogay ayaa kala cararay, waxaana kadib dhacay rasaas xooggan oo ay fureen ciidamada Amisom iyo kuwa ilaalada u ah Kheyre, oo garan waayey halka looga yimid.