Breaking News Somali News Top News Xulashada K24

DegDeg:- Ganacsade Caan Ahaa Oo Lagu Dilay Degmada Wadajir.

Kooxo hubeysan ayaa goor dhow  Ganacsade Caan ahaa ku dilay gudaha degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

Ganacsadaha la dilay ayaa Magaciisa lagu soo koobay Macalin Maxamuud, kaasi ka mid ahaa ganacsatada Suuqa weyn ee degmadaasi.

Rag hubeysan oo illaa laba gaaraya ayaa la sheegay in Marxuumka ay ku Toogteen nawaaxiga saldhigga Booliska ee degmada Wadajir, iyagoona goobta isaga baxsaday.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa gaaray goobta uu dilku ka dhacay, kuwaas oo baaritaano ka sameeyay halkaasi, inkastoo saraakiishu aysan ka hadlin howlgalladaasi.

Maalmihii dambe ayaa waxaa sii xoogeysanayay falalka liddiga ku ah ammaanka, gaar ahaan dilalka qorsheysan ee ka dhacaya gudaha magaalada  Muqdisho.

Related posts

Daawo: Madaxweyne farmaajo iyo jaaliyadda soomaaliyeed ee uganda oo kampala ku kulmay

Tifaftiraha K24

DEGDEG: Xukuumada Somaliya Oo geysay Ciidamo Booliis ah Degmo ka mid ah.

admin

War Cusub: Gobolka shabeellada dhexe oo isbaarooyinkii ugu badnaay laga qaaday iyo ciidanka oo gacanta ku dhigay…..

Tifaftiraha K24