Breaking News Somali News Top News

DEGDEG: EX-Xildhibaan Salah Badbaado oo ka mid noqday raga isku qarxiyey Muqdisho maanta

Idaacada ku hadasha afka Al-Shabaab ee Radio Andalus ayaa waxay sheegeen inuu Ex-Xildhibaan Salah Badbaado ku jiray raga maanta isku qarxiyey afaafka hore ee garoonka Muqdisho.

Salah Badbaado oo ku jiray xildhibaanada dowladiii hore ee Soomaaliya xilligii Shiikh Shariif ayaa waxaa muddooyinkii danbe ku jiray kooxda xagjirka ah ee Al-Shabaab, isagoona saaxiibadiisa hore oo ay dowlada Soomaaliya kuwada jireen ku tilmaami jiray inay yihiin “Murtadiin”.

saalax

Wareysi dheer oo uu siiyey Radio Andalus ka hor inta uusan isku qarixin Muqdisho maanta ayuu waxaa uu uga hadlay sababta uu isku qarxiyey iyo waxa ugu biiray Al-Shabaabka.

Waa qofkii ugu horeeyey oo isaga oo soo noqday xildhibaan haddana ku biiray kooxda Al-Shabaab, waliba maanta go’aansaday inuu fuliyo mid ka mid ah qaraxyadii maanta gilgilay garoonka Muqdisho.

Salah Badbaado ayaa ka mid ahaa xildhibaanadii ugu adegka kululaa xilligii uu baarlamaanka ku jiray, waxaana uu matelayey gobolada Waqooyi ee Soomaaliya.

Wareysigiisa iyo warbixino intaasi dheer dib ayaan idin kasoo gudbin doonaa.

 

 

Related posts

Akhriso: Guddigii uu magacaabay Madaxweyne Xaaf oo soo saaray

admin

Top News:- Puntland " Ciidamo AMISOM ah ma imaan karaan Puntland "

admin

TOP NEWS: Maxaadan Ogeyn oo Shacabka Muhiim u ah oo maanta lagu wareejiyay Maamulka Gobolka Banaadir+Sawirro

Tifaftiraha K24