Somali News

DEGDEG: Dib u dhac markale ku yimid soo xulista xildhibaanada maamulka Galmudug.

Wararka laga helao magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in markale uu dib u dhac ku yimid soo xulista xildhibaanada baarlamaanka labaad ee dowlad goboleedka Galmudug.
Qorshaha ayaa ahaa in 9-ka bishaan oo maanta ku beegan la shaaciyo liiska xubnaha cusub ee baarlamaanka maamulkaasi.
Arrintaan ayaa dib u sii dhigeysa doorashada oo horay guddiga farsamadu uu soo saaray jadwalkeeda, waxaana la filayey in maanta la shaaciyo baarlamaanka, berina ay u guda galaan howlaha shaqo ee loo igmaday.
Wararka ayaa sheegaya in qaar ka mid ah xubnaha guddiga farsamada looga yeeray magaalada Muqdisho, islamarkaana la hakiyey howlaha doorashada maamulkaasi.

Related posts

Akhriso: Madaxweynaha Galmudug oo Warqad aan Caadi aheyn u diray Safiirka Mareykanka ee Soomaliya Maxaase ku qoran Warqada????

Tifaftiraha K24

Shirka Todobaadlaha ah ee Maamulka Gobolka Banaadir oo looga hadlay Amniga, Bilicda iyo Barnaamijka Is-xilqaan

admin

Beesha Caalamka oo Maamulka Puntland Ku amaantay Sidii ay dowladnimada uga hirgalisay Magaalada Muqdisho.

admin