Breaking News Somali News Top News

DegDeg:-Dawlada Soomaaliya Oo Sheegtay inay Wado Baaritaan ku aadan Weerarkii Guriga C/qeybdiid

Wasiirka wasaaradda warfaafinta xukuumadda Soomaaliya C.raxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa Facebook-giisa wuxuu kusoo qoray in dowladdu ay waddo baaritaan ku aadan weerarkii ay maanta ciidamo ka tirsan dowladda ku qaadeen hoyga Senator Cabdi Xasan Cawaalwe Qeybdiid.

Waxa uu sheegay wasiirka in sharciga la horkeeni doono cid walbo oo falkaasi ku shaqo leh, waliba sida ugu dhaqsiyaha badan.

“Dowladda federaalka waxay waddaa baaris ku aadan sababta iyo ciddii ka dambeysay falka ka dhacay guriga Senator Cabdi Qeybdiid, sharciga ayaana la horkeeni doonaan sida ugu dhaqsiyaha badan” ayuu yiri wasiirka.

Ciidamo ka tirsan xoogga dalka, gaar ahaan kuwa ay tababartay dowladda Imaaraadka ayaa maanta oo Sabti ah weerar ku qaaday hoyga magaalada Muqdisho ka deggan yahay Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid.

Yariisow

 

 

Related posts

Isbadal Dhinaca Siyaasadda oo ka dhacaya Suuriya

admin

XOG : Xukuumada Saacid oo aheyd midii si adeg u difaacday BADA Soomaaliya.

admin

Golaha Wasiirada Jubbaland oo la dhaariyay

admin