DEGDEG: Dagaal Xoogan oo Khasaaro Naf iyo Maalba leh Geystay oo goordhawayd Ka Dhacay G/ Jubbada Hoose

0

Wararka naga soo gaaraya jiida hore ee dagaalku ka socdo  ayaa sheegaya in dagaal u dhaxeeyay Ciidamada Jubbaland iyo Al Shabaab oo Barqanimadii maanta uu ka dilaacay Dagaal xoogan Gobolka Jubbada Hoose.

Dhanka kale ayaa warar lahubo waxey sheegayan in Dagaalkan uu  yimid, kadib markii Al Shabaab ay weerar culus ku qaaden fariisin Ciidamo ka tirsan kuwa Jubbaland ay ku leeyihiin deegaanka Diif ee Gobolkaasi.

Al Shabaab oo ka hadlay dagaalkan ayaa sheegay in ay la wareegeen gacan ku heynta deegaanka Diif oo dhaca Xadka ay wadaagaan dalalka Soomaaliya iyo Kenya.

Goobjoogayaal  deegaanka ah ayaa sheegay in dagaalka uu ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, balse aan la xaqiijin karin inta uu la’egyahay.

ilaa hada wax war ah oo ka soo baxey maamulka Jubbaland Ma jiro  wixii kusoo kordha kala soco warbaahinta madaxa banaan.