Arimaha Bulshada Somali News Top News

Degdeg: Dad Rayid ah oo lagu laayay Deegaano dhaca Duleedka Magaalada Muqdisho.

Wararka inaga soo gaaraya deegaanka Calamada oo u dhaxeeya Ceelasha Biyaha iyo deegaanka Xaawa Cabdi, ayaa sheegaya in goor dhaw halkaasi lagu laayay dad la socday gaari yar.

Dadkaan oo ka yimid qabuuraha deegaanka Calamada halkaasi oo lagu soo aasay qof geeriyooday ayaa la sheegay markii ay soo laabteen gaarigii ay la socdeen in lagu hor gooyay gaari kale, kadibna rasaas lala dhacay.

Inta la xaqiijiyay shan ruux ayaa geeriyootay oo dhamaantood isku reer ah, gaar ahaana ay kasoo jeedaan Reer Xaaji Gaabow, Xaaji Gaabow waa nin ganacsade ah oo si weyn looga yaqaan Magaalada Muqdisho gaar ahaan waxaa aad looga yaqaanaa Degmada Dharkiinley, halkaasi oo uu ku leeyahay Dabaq weyn oo ganacsi, laguna magacaabo Xaaji Gaabow.

Dhacdo.com ayaa heshay magacyada dadka la laayay, waxaana ay kala yihiin C/casiis Xaaji Gaabow, Maxamed Deeq, Xaaji Gaabow, Cabdi Xaaji Gaabow, C/jibaar Xaaji Gaabo iyo Maxamed Yare.

Dableyda dilka gaysatay ayaanan la garaneyn sababta ay u dileen dadkaan isku qoyska ah, balse warar soo baxaya ayaa sheegaya in maalmihii dambe reer Xaaji Gaabow, ay ku jireen arimo ku aadan dacwad goof iyo kiisas la xiriira dhul.

Kooxihii ka dambeeyay dilka arxandarada ah ee loo gaystay dadkaasi ayaa ka baxsaday goobtii dilka ay ka gaysteen oo aheyd duleedka deegaanka Ceelasha Biyaha.

Related posts

DEG DEG: Maxaad ka garaneysaa Taliyaha Cusub ee qeybta Gobolka Banaadir Maanta loo Magacaabay Magaciisa iyo waxaa uu horay u ahan jiray

Tifaftiraha K24

Dhagayso:- Madaxweyne Xasan sheekh oo kadigay in Xoog loo adeegsado Xubnaha Shabaab Katirsan

admin

Galmudug oo soo saartay hanjabaad ku socota diyaaradaha duulimaadka 

admin