DegDeg:-Ciidamo kawada tirsan Dawlada Oo isku rasaaseeyay Muqdisho

0
3D illustration of a breaking news TV screen

Israsaaseyn qaadatay mudo daqiiqado ah ayaa Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka gaar ahaan kuwa Nabad sugidda iyo Booliska waxa ay ku dhexmartay degmada Howlwadaag ee Gobolka Banaadir.

Israsaaseyntan ayaa si gaar ah waxa ay uga dhacday inta u dhaxeysa Isgoyska Howlwadaag iyo Saldhiga Booliiska degmada Howlwadaag oo aanan sidaa u kala fogeyn, sida ay inoo sheegeen dadka degaanka.

Goobta israsaaseynta ka bilaabatay ayaa waxaa dhoobnaa gaadiid badan oo dad rayid ah ay wateen, kuwaasi oo saf dheer ugu jiray Baaritaanka ammaanka la xiriira ee ciidamada ay sameeyaan, iyadoo mar qura dadkii ay ka yaaceen gaadiidkii ay saarnaayeen, markii ay bilaabatay Xabada.

Ciidamo kale oo ka tirsan Dowladda Federaalka oo goobta gaaray ayaa ku guuleystay in ay kala dhexgalaan Ciidamadan, sidoo kalena ay joojiyaan dagaalka, si khasaaraha ka dhashay aanay u sii kordhin.

Saraakiisha Ciidamada ammaanka Dowladda Federaalka ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in Hal Askari oo ka tirsanaa Ciidamada Booliiska uu ku geeriyooday falkan, halka uu ku dhaawacmay Askari kale oo ka tirsan Ciidamada Nabad Sugidda.

Maydka Askariga ka tirsanaa Ciidamada Booliska Soomaaliya iyo Askariga kale ee dhaawacmay ayaa laga qaaday goobtii uu ka dhacay iska hor imaadka.

Waxaa in mudo ah hakad galay isu socodka Gaadiidka dadweynaha ee wadadaasi isticmaalayay, maadaama dadkii halkaasi ka akdhowaa ay soo wajahday xaalad cabsi ah, balse wadada isticmaalkeeda si caadi ah ayuu ku soo noqday.