DEGDEG: Ciidamo farabadan oo lagu soo daadshay Wadooyinka Muqdisho ka hor Mooshinka.

0

Ciidamo katirsan kuwa  Dowladda ayaa maanta Wadooyinka soo gala jidka Wadadda Makka Al-Mukarrama  lagu soo daadshay   ka hor mooshinka gudoomiyaha baarlamaanka, iyadoo loo diiday inay gaadiidku u soo gudbaan  dhinaca wadada Maka Almukarama.

Dhanka kale Dadka degaanka ayaa soo sheegay in Wadooyinkii isku xiri jiray Jidka Wadnaha iyo Jidka Maka Almukarama lagu xiray Gaadiidka Ciidamada dagaalka, Dhagaxaan iyo Biro hor leh, waxaana la xiray Isgoysyada Foloronsa, Geed jaceyl, Aadan Cadde, Howlwadaag, Bakaaraha iyo Taleex.

Sidoo kale Ciidamada ayaa u diidaya gaaadiidka iyo Mootooyinka in ay isticmaalaan wadooyinka u xiran, waxaana horay ugu xirnaa wadooyinka dhanka Xaafadaha, iyagoona kusoo koobay isgoysyada oo kaliya.