Somali News

DEGDEG: Ciidamo Cusub oo lawareegay Magaalada Hobyo.

Ciidamada 21-aad oo markii hore sugayey Ammaanka Magaalada ayaa isaga baxay kadib markii la sheegay inuu amar kaga yimid Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Ciidamada isaga baxay Magaalada Hobyo ayaa la sheegay inay wateen illaa 3 gaari oo kuwa dagaalka ah waxayna maalmihii dambe sugayeen Amniga Magaalada oo ay ku sugan yihiin ergooyin ka kala socdo Beelaha Habargidir iyo Xildhibaano labada aqal ah.

Markii ay Ciidamadaas ka baxeen Magaalada Hobyo ayaa waxaa durba la wareegay ciidamo u abaabulan hab Beeleed.

Ciidamada la wareegay Amniga ayaa la sheegay inay kasoo jeedaan Beelaha Sacad iyo Saleebaan, waxaana Magaalada soo gashay illaa 13 gaari oo kuwa dagaalka ah iyo ciidamo aad u hubeysan.

Dowladda Soomaaliya ayaa shirka Hobyo u aragto inuu yahay mid cabaqad ku ah danaha ay ka leedahay maamulkaas, waxaana ciidamada 2-aad cadaadis lagu saaray inay isaga baxaan Magaalada.

Related posts

XOG:-Wararkii ugu dambeeyay dagaalka Ciidamada Somaliland iyo Puntland ee Sool

Ahmed sudani

Daawo: Soomaliland oo diiday codsi uga yimid farmaajo balse aqbashay amar deg deg oo itoobiya uga yimid

Tifaftiraha K24

TOP NEWS: Maxaadan Ogeyn oo Ciidamada Itoobiya xalay ka Sameeyeen Saldhiga ay ku leeyihiin Deegaanka Halgan oo Shalay ay Shabaab weerar ku qaadeen

Tifaftiraha K24