Somali News

DEGDEG: Ciidamo cusub oo la wareegay Amaanka Magaalada Kismaayo.

Wararka aan ka heleyno Magaalada Kismaayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Maanta amniga magaaladaas ay la wareegeen Ciidamo ka amar qaata Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe.’

Ciidamada ayaa waxaa la sheegay in Maanta lagu arkayay iyago wata gaadiidka nooca dagaalka inta badan Xaafadaha Kismaayo iyo Wadooyina waaweyn ee halkaas ku yaalla.

Dad ku sugan Kismaayo ayaa tilmaamay in Ciidanka ay sigaar ah ula wareegeen amniga Garoonka diyaaradaha Magaalada,waxaana markii horey amniga Garoonka gacanta ku haayay Ciidamo Kenyan ah.

Magaalada Kismaayo ee Caasimadda dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa waxaa lagu wadaa in dhawaan lagu qabto Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo mida Madaxweynaha maamulkaas,isla markaana waxaa ka socda diyaar garowga Doorashada.

Hay’adda amniga maamulka Jubbaland ayaa u horey u shaaciyay in amniga Magaalada Kismaayo siweyn loo adkeenayo,iyadoona shacabka loogu baaqay inay la shaqeyan Ciidamada.

Related posts

Akhriso:- Maxa u qabsomay Dowlada Somalia Usbuci la soo dhaafay.

admin

TOP NEWS: Maxaad kala Socotaa Dagaal Culus oo Galabta Gabal dhicii ka qarxay Duleedka Galkacyo Yuusa u Dhaxeeyaa????

Tifaftiraha K24

QM oo howlgalka gargaarka bini’aadanimo ee Soomaaliya u soo magacowdey wakiil cusub.

admin