Animation

DEGDEG: Cabsi xooggan oo ka jirta Kismaayo iyo beelaha Mareexaan iyo Sheekhaal oo….

no responses
Friday September 4, 2015 - 10:44 under Breaking News by admin
mqdefault

Beelaha Sheekhaal iyo Mareexaan ayaa si weyn u cambaareeyay falal amni darro oo saacadihii la soo dhaafay ka dhacayay magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose.

Dadka deegaanka oo la hadlay Kismaayo24 ayaa xaqiijiyay in maleeshiyo hubeysan oo loo malaynayo inay ka tirsan yihiin Raaskambooni inay falalkaasi ka dambeeyeen.

48 saac ee la soo dhaafay ayaa maleeshiyada Axmed Madoobe ayaa dadka shacabka ugu hanjabayay magaalada.

Weli Kismaayo waxaa ka soconaya tacadiyada ay geysanayaan maleeshiyooyinka magaalada deggan oo u badan Kambooni.

Waxgaradka beelaha Mareexaan iyo Sheekhaal oo ku sugan Kismaayo ayaa sheegay in ay ka xun yihiin arrimaha ka taagan magaalada, isla markaana aysan lahayn awood ay maamulka gacan ku rimiska ah ku weydiistaan inuu joojiyo dhibaatooyinkaasi.

Raaskambooni ayaa magaalada Kismaayo ku dooratay bishii dhammaatay horjooge dhiigya cab Axmed Madoobe.