DegDeg:- Askari Katirsanaa Ciidanka Dawladda FS oo lagu Toogtay Muqdisho

no responses
Thursday February 15, 2018 - 12:29 under Somali News by Ahmed sudani
mqdefault
Spread the love

Rag hubeysan ayaa duhurnimadii maanta Isgoyska Baar-ubax ee degmada Howlwadaag dhanka Masjidka Xareed waxa ay ku toogteen Askari ka tirsanaa Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Koox ku hubeysan Bastoolado ayaa Rasaas ku boobay Askariga oo Qorigiisa uu garabka u surnaa, isaga oo taagna Afaafka hore ee goob ganacsi, kadib Dableydii dilka geysatay ayaa goobta ka baxsaday.

Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in Askariga uusan naf dhulka la dhicin, sidoo kalena uu xirnaa dharka Ciidanka Xasilinta.

Sidoo kale waxay inoo sheegeen goobjoogayaasha raggii dilka geystay in ay goobta ka baxsadeen, halkaasina mudo daqiiqado ah uu ka dhacay kala carar.

Ilaa hadda lama oga ragga dilka geystay halka ay ka tirsan yihiin, balse dilalka nuucaan oo kale ah waxaa geysta xoogaga ururka Al-shabaab oo dagaal kula jira Dowladda Federaalka.

Facebook Comments