Animation

Degdeg: Askar Kenyan ah oo lagu laayay Xadka dalalka Itoobiya iyo Kenya.

no responses
Saturday November 21, 2015 - 11:10 under Somali News by admin
mqdefault
Spread the love

Ciidamada Itoobiya ayaa ku toogtay saddex askari oo Kenyan ah xadka kala qeybiya labada dal gaar ahaan deegaanka Marsabit. Xiisada ayaa kacsan iyadoo ciidamada Itoobiya iyo ururka mucaaradka ku ah ee OLF ay badanaa deegaankaas ay ku dagaalami jireen, waxaana la sheegayaa in ciidamada ururka OLF ay marka ay xaalada ku adkaato inay u gudbi jireen xadka dalka Kenya.

Taliyaha Booliska deegaanka Marsabit Mark Wanjala ayaa sheegay in askarta la diley ay roondo ku jireen xilliga ay askarta Ethiopianka ay toogteen.

Inta aan la toogan askartan ayaa la sheegay in iskahorimaad uu ku dhex maray xadka Kenya iyo Itoobiya ciidamada OLF iyo ciidamada Itoobiya.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in caaqil lagu magacaabi jirey Guyo Harake lagu diley Khamiistii xadka iyadoo iska horimaadka OLF iyo ciidamada Itoobiya uu gudaha u galay illaa 8km.

Ciidamada Itoobiya ayaa la sheegay inay ka soo gudbeen xadka dalka Kenya ayna gudaha u soo galeen dalka Kenya gaar ahaan Moyale iyo Sololo  shan jeer intii u dhexeysay March iyo November.

Dowlada Kenya ayaa cabasho u gudbisay dowlada Itoobiya soo gelitaanka ay ciidamadooda gudaha u soo galeen dalka Kenya.

Facebook Comments