DEGDEG: Askar ka tirsan kuwa Xukuumada Somaliya oo lagu dilay.

0

Kooxo hubeysan ayaa xalay agagaarka Baar Ismaaciil degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose waxa ay ku dileen labo askari oo ka tirsanaa Ciidamada milatariga dowladda Soomaaliya.

Askartan ayaa markii la dilay kadib waxaa la sheegay in kooxihii hubeysnaa ay horay uga sii qaateen hubkii ay wateen, iyagoona goobta isaga baxsaday.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa gaaray halkaasi, waxaana ay ka bilaaabeen howlgallo ballaaran oo lagu baadi goobayo raggii ka dambeeyay dilkaasi.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in baaritaanada lagu soo qab qabtay tiro dad ah oo lagu tuhunsan yahay in ay ku lug lahaayeen dhacdadaasi.

Taliyaha saldhigga Booliska Afgooye oo la hadlay Shabelle ayaa sheegay in natiijada ay shaacin doonaan marka ay soo gabagabeeyaan howlgallada ay wadaan.

Degmada Afgooye oo 30 KM K/ Galbeed ka xigta magaalada Muqdisho ayaa waxaa inta badan ka dhaca falal liddi ku ah amniga, sida dilal qorsheysan iyo weeraro toos ah.