DegDeg:-Alshabaab oo Sheegtay dilka Maxamed Tima Cadde oo ka dhacay Muqdisho

no responses
Tuesday February 13, 2018 - 1:11 under Somali News by Ahmed sudani
mqdefault
Spread the love

Rag hubaysan oo ka tirsan Al Shabaab ayaa maanta barqadii Degmada Wadajir waxa ay ku dileen nin magaciisa lagu sheegay Maxamed Tima Cadde oo la sheegay inuu ahaa tababare ciidanka dowladda.

Al Shabaab ayaa sheegtay in Maxamed Tima cadde ay ku dileen Degmada Wadajir, raggii ka dambeeyay dilkiisana ay ka baxsadeen goobtii ay dilka ka gaysteen.

Waxa ay sheegeen Shabaab Maxamed Tima cadde inuu ahaa Macalin dhanka tababarada u qaabilsan ciidamada Militariga dowladda Federalka Somaliya.

Ka sokoow hadalka sheegashada Shabaab ma jirto ilo ka madax banaan Al Shabaab oo xaqiijinaya ruuxa la dilay inuu ahaa nin macalin ah oo ciidamada dowladda tababari jiray iyo inkale.

Facebook Comments