DEGDEG: Abwaan Sangub Oo Goor Dhow Ku Geeriyooday Magaalada.

0

War Goordhow naga soo gaaraya Magaalada Addis Ababa ee Caasimadda Dalka Itoobiya ayaa waxaa uu sheegayaa in saakay halkaasi Isbitaal ku yaalla uu ku geeriyooday Abwaankii Soomaaliyeed ee Max’ud Cabdullahi Ciise “Sangub”.

Abwaanka ayaa waxaa la sheegay in maalmihii la soo dhaafay uu ku xanuunsanayay gudaha Magaalada Addis Ababa,isla markaana saakay uu ugu geeriyooday xanaanukaas haayay.

Geerida Sangub ayaa waxaa xaqiijiyay Abwaanka Soomaaliyeed ee lagu magacaabo Xirsi Dhuux Maxamed.

Abwaan Max’ud Cabdullahi Ciise “Sangub  ayaa waxaa uu ahaa Nin Caan ah,kaasi oo gayiga Soomaaliyeed siweyn looga yaqaanay.