Maqaalo iyo Warar Somali News Top News Xulashada K24

DEGDEG: 96 Xildhibaan oo dalbaday  in dib loo furo Golaha Baarlamaanka iyo Xildhibaanadii Mucaaradka oo la soo baxay dardar horleh  iyo Farmaajo oo Mooshin dulsaaranyahey.

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo ka mida xildhibannada mucaaradka u ah hoggaamka dowladda Soomaaliya ayaa sheegay inay dalbadeen dib u furista Baarlamaanka si mooshin loogu qaado Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Wuxuu sheegay inay waaan mooshinkii xilka qaadista Madaxweyne Farmaajo, ayna heystaan Xildhibaano ku filan mooshinka ka dhanka ah Madaxweynaha, isagoo sii raaciyay in 96 Xildhibaan oo ka mid ah Golaha shacabka Soomaaliya ay dalbadeen in dib loo furo golaha si mooshinka loo keeno.

Arrimaha lagu heysto madaxweyne Farmaajo ee mooshinka xil ka qaadista loogu diyaariyey ayuu xildhibaan Mahad Salaad ku sheegay:

1- Inuu dastuurka ku xad gudbay

2- Khiyaano Qaran

3- Burburinta dowlad goboleedyada iyo eedeymo kale

C/raxmaan C/Shakuur ayaa xalay laga siidaayay Xabsiga iyada oo maanta la filayo in Maxkamadda gobolka Banaadir uu mar kale ka soo hormuuqdo.

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad ayaa wareysi uu siiyay Wakaaladda Wararka ee Reuters ku sheegay in ay filayaan in kalfahdiga Baarlamaanka uu dib u furmo mooshinka xilka qaadista Madaxweynahanaha ay fuliyaan.

Related posts

Dhagayso:- Gawaarida Bajaajta ah oo ka Cabanaya Wadooyinka Garowe oo

admin

27 sano kadib xili habeen ah Diyaarad siday shacab tii uhoresay oo xalay kasoo degtay Aadan cade Air port

admin

Sawirro:- Wasiirka arimaha gudaha Soomaliya oo gaaray Dhuusomareeb.

admin