Breaking News Somali News

DEG DEG+Sawirro: Dhaawacyo la keenay dagmada wanlaweyn iyo gaari shacab ah oo la….

Wararka aynu ka heleyno dagmada wanlaweyn ee gobolka shabeellada hoose ayaa wax ay sheegayan in ciidamada hubeysan ay rasaas ku fureen gaari shacab ah.

Gaariga shacabka ah ayaa kusii jeeday magaalada baydhabo ee xarunta gobolka baay iyadoona gaariga ay saarnaayeen rakaab badan.

Ciidamado fariisin ku leh halka loo yaqaan 10ka buundo ayaa gaarigaan rasaas ku furay waxaana la sheegay in ciidanka ay jid gooyo ay halkaasi u tiilay.

Hal ruux oo dhaawac ah ayaa la keenay cisbitaalka dagmada wanlaweyn waxaana haleeshay rasaasta ay ciidanka ku fureen gaariga shacabka ah.

Qeybo kamid ah gobolka shabeellada hoose waxaa jidgooyooyin ay u yalaaan ciidamo u hubeysan waxaana isbaarooyinkaasi lagu dhibaateeya dadka safarka ah mana jirto ilaa iyo hadda talaabo laga qaaday burcadaan dadka dhaca iyo dilka u geysta.

Halkaan hoose ka daawo Sawirrada

Related posts

Gudiga Qaban qaabada Maalmaha Xuska Xoriyada Bulshaweynta Soomaaliya oo

admin

Dhageyso: Dowladda soomalia oo soo bandhigtay tirada rasmiga ah ee ilaa iyo hadda u geeriyootay cudurka……

Tifaftiraha K24

Xiisad Dagaal oo u dhaxeysa Labo Beelood oo ka taagan Gobolka Mudug

Ahmed sudani