DEG DEG+Sawirro: Culimada Goldogob oo Xukuno kala duwan ku riday dhalinyaradii Kufsiga geestay iyo Dadweynaha oo….

0

Deegaanka Goldogob ee Gobolka Mudug waxaa Maanta ka dhacday Xukun lagu riday Dhalinyaro dhawaan kufsi ugu geestay Duleedka Deegaanka Goldogob Laba Gabdhood.

Culima’udiinka deegaanka oo dacwadan gacanta ku haayay, ayaa ugu dambeen maanta go’aan ka gaaray dacwadaasi,

Dhalinyaradan kufsiga geesatay ayaa waxaa lagu xukumay xukuno kala duwan waxaana Afar kamid ah lagu xukumay in lagu dhufto mid Boqol Garbaash Halka Labo kamid ah Dhalinyaradan lagu xukumay mid Laba Boqol oo jeedal waxaana labadaas wiil lagu sheegay in ay ahaayeen kuwii geestay Kufsiga tooska ah ee gabdhaha lagula kacay.

Labada wiil waxaa kaloo lagu xukumay Mid 10 Sano oo Xabsi ah iyo Ganaax lacageed oo aad u badan maadama iyaga dambigooda uu ahaa mid ka baaxad weyn kan dhalinyarada kale ay geesteen.

Wiilasha kale ayaa iyagana lagu xukumay 5 Sano ah oo Xarig ah iyo ganaax lacageed.

Halkaan ka Aqriso Magacyada Raga la xukumay

1-Shirwac Jamac Junle: 200 oo jeedal, 10 sano oo xarig ah iyo ganaax lacageed.

2-Yaasir Maahir Xaashi, 200 oo jeedal, 8 sano oo xarig ah iyo ganaax lacageed.

3-Ayaanle wale, 100 jeedal, 7 sano oo xarig ah, ganaax lacageed.

4-Yaxye Awkax, 100 jeedal, 6 sano oo xarig ah, ganaax lacageed.

5-C/risaaq Xoosh Jibriil, 100 jeedal, 5 sano oo xarig ah iyo ganaax lacageed.

Qooysaska ay ka dhasheen dhalinyaradaan ayaa la sheegay in ay ku qanceen Xukunka wiilashooda ay ku rideen Culimada deegaanka iyadoo loo maraayo Shareecada Islaamka.

Maamulka Puntland ayaa hada la wareegay dhalinyaradaan la xukumay waxaana la shegay in loo qaaday Magaalada Galkacyo loona sii gudbin doono Garoowe si xukunkooda ay halkaasi ugu qaataan.

Goobta xukunka uu ka dhacaayay waxaa goob joog ka ahaay Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Diinta Puntland, Saalax Xabiib Jaamac, Wasiirka Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Puntland, Anisa C/qaadir Xaaji Muumin iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland, General C/qaadir Shire Faarax (Ereg).

Go’aankaan ay Maanta gaareen Culimada Deegaanka Goldogob ayaa waxaa aad loo sugaayay Maalmahaan oo dhan waxaana hada muuqata in Ragii Jariimada kufsiga geestay Cadaalada la marsiiyay iyadoo loo maraayo Shareecada Islaamka.

Dadka deegaanka Goldogob ayaa aad usoo dhaweeyay xukunka ay dhalinyaradan ku rideen Culimada Goldogob waxaana ay Codsadeen in Xukunkaan sida ay tahay loo dhaqan galiyo Maamulka Puntland uu il gaar ah ku haayo Ragaan la xukumay.

Halkaan Hoose ka Daawo Sawirrada