Animation

DEG DEG+Dhageyso: Dagaal xoogan oo la isku qorax dhacsaday ayaa hada waxa uu ka soconaya deegaano ka tirsan gobolka……

no responses
Monday May 1, 2017 - 6:32 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Wararka aynu cawada ka heleyno gobolka shabeellada hoose ayaa waxa ay sheegayan in deegaano ka tirsan gobolka uu dagaal culus ku dhexmaraayo xoogaga alshabaab iyo ciidamada dowladda.

Dagaalka wuxuu si gaar ah uga socdaa deegaanka Nambark 50 ee gobolka shabeellada hoose waxaana dagaalka uu yimid ka gadaal markii dagaalamayaasha alshabaab ay weerar kusoo qaadeen fariisimo ay ciidamada dowladda ku leeyihiin deegaanka.

Rasaas cul culus ayaa dagaalka la isku adeegsanaya sida ay inoo xaqiijiyeen dad goob joogayaal ah oo ku sugan no 50.

Dagaalka ayaa la sheegay in uu bilowday galabta casirkii ilaa iyo hada oo habeen ah saacaddana ay tahay 8:00 PM habeenimo uu dagaalka socdo.

Lama oga qasaaraha ka dhashay dagaalka ee soo kala gaaray labada dhinac waxaana saraakiisha ciidamada dowladda ay sheegeen in ay iska caabiyeen dagaalamayaal alshabaab ka tirsan oo weerar qorsheysan soo qaaday.